Home - Wararka Somalia - Deg deg: Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Deg deg: Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Qaraxaan ayaa la sheegayaa in uu geystay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac, wuxuuna ka dhacay afaafka hore Masjid ku yaala Xabsiga dhexe ee Xamar, ila wareedyo ayaa Mustaqbal radio u sheegay in qaraxaasi uu geystay Ruux isisoo Miidaamiyey, waxayna wararka qaar sheegayaan in ruuxa is qarxiyey uu kamid ahaa Dhalinyaro Dhiboow Ciidanka Asluubta ugu jiray.

Masjidka Qaraxa uu ka dhacay waxaa ku Tukado Mas’uuliyiin katirsan Dowladda gaar ahaan saraakiisha Ciidanka Asluubta iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Masjidka ku Tukado waxaa kamid Ah Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed iyo Liibaan Cali Yaroow oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida, Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Masjidka ku Tukado ayaa dib loogu celiyey Xabsiga sida ay inoo sheegeen Ilo wareedyo Xabsiga dhexe ka akdhaw.

Khasaaraha Lama shaacin, waxaynu wararku ay sheegayaan in ay jirto Dhimasho iyo Dhaawac, ciidamada Dowladda ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay.

La soco wixii kasoo kordha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*