Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Dembele: “Waxaan joogi doonaa Barca mudo dheer”

Dembele: “Waxaan joogi doonaa Barca mudo dheer”

Weeraryahanka Barcelona Ousmane Dembele ayaa ku adkeysanaya inuu joogi doono kooxda LaLiga “muddo dheer” inkastoo uusan weli qaab ciyaareed fiican ku jirin.

 

Dembele, oo 20 sanno jir ah, ayaa Barcelona kaga soo biiray Borussia Dortmund bishii August sannadkii hore isagoona ugu soo biiray aduun fhan € 105million.

 

Si kastaba ha ahaatee, dhaawac muruqa ah oo soo gaaray  xilli ciyaareedkii hore  xidiga reer France, ayaa keentay inuu safto 12 kulan oo horyaalka ah – todobo ka mid ah ayuuna  kuso bilowday xilli ciyaareedkan.

 

Laakiin Dembele ayaa weli qorsheynaya inuu isku tijaabiyo Barcelona, ​​isagoo diidan  inuu ka tago dhamaadka xilli ciyaareedka.

 

“Ma doonayo inaan baxo kaliya hal xilli ciyaareed,” ayuu u sheegay Mondo Debortivo. “Waxaan saxiixay qandaraas shan sanno ah oo Barcelona ah.

 

“Waxaan halkan joogayaa muddo dheer.”

 

Imaanshiyaha Antoine Griezmann oo ka imaanaya Atletico Madrid xilli ciyaareedka soo socda ayaa dhaawici karta Dembele ee waqtigii uu ku ciyaari lahaa Camp Nou.

 

Laakiin Dembele ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu tartan ugu jiro boosaska kooxda Barcelona.

 

“Waa Barca, waa sidaasi, waxaan ku faraxsanahay in [Philippe] Coutinho uu yimid,” ayuu yiri waana sii joogi doona mudo fog ayuu hadalkiisa kusoo koobay Osmane.

W/D: (Maxamed Ahmed Lio)

4 comments

  1. I am so grateful for your blog post.Really looking forward to read more. Awesome.

  2. Very informative blog.Really thank you! Keep writing.

  3. “very couple of web-sites that occur to become comprehensive below, from our point of view are undoubtedly properly worth checking out”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*