Home - Wararka Somalia - Dhageysi:- Ahlu Sunna iyo Guddi Ganacsato ah oo Ku Heshiiyey Qaadashada Kunka Shillin.

Dhageysi:- Ahlu Sunna iyo Guddi Ganacsato ah oo Ku Heshiiyey Qaadashada Kunka Shillin.

Madaxweynaha Maamulka Gobalada dhexe ee Ahlu sunna Shiikh Max’ed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud Kulan kula Qaatay Guddiga Ganacsatada ee Socodsiinta Kunka Shillin u Tagay Deegaanada Puntland.

Shiikh Max’ed Shaakir iyo Ganacsatada uu la kulmay ayaa ugu horeyn iska Xog wareystay Waxyaabihii ugu HIrgalay Safarkii ay Puntland ku tageen iyo kulamadii ay lasoo qaateen Madaxweynaha Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas.

Waxyaabihii ay ka wada hadleen Shiikh Max’ed Shaakir iyo Guddigii Ganacsatada ayaa kamid ahaa:

1-Dib u socodsiinta Kunka Shillin ee Ganacsatada Diideen.

2-In aanan dib u dhicin Diidmada Kunka Shillin.

3-In Kalsooni la galiyo Shacabka, iyadoona taa laba bilaabayo in Canshuurta maamulka Gobolada Dhexe ay ku Qaadaan Kunka Shillin ee La diiday Qaadashadiisa.

4-In Go’aan laga qaato Ciddii lagu arko iyadoo kala Sooceyso Lacagta iyo Qodobo kale.

C/Qaadir Cabdi Dhoore oo Gudoomiye u ahaa Ganacsatadii lasoo kulantay Madaxweynaha Puntland ayaa tibaaxay in Socodsiinta lacagta ay muhiim u tahay dadka danta yar iyo kuwa Xoolaha u iibsi geeya Deegaanada Puntland, wuxuuna ku baaqay in loo hogaansamo Heshiiskii ay soo galeen.

      Cod 1 Madaxweyne Shiikh Max'ed Shaakir
      Cod 3 Gudoomiyaha Ganacsatada cabdulqadir cabdi dhoore

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*