Home - haweenkaiyonolosha - Dhageyso : Dooda Barnaamijka Haweenka iyo Nolosha oo ku Saabsan Guurka iyo Gabdhaha.

Dhageyso : Dooda Barnaamijka Haweenka iyo Nolosha oo ku Saabsan Guurka iyo Gabdhaha.

      BARNAAMIJKA HAWEENKA & NOLOSHA

Sababo Badan oo is biirsaday ayaa loo xagliyaa in uu soo de dejiyo guurka gabdhaha yaraata lagu bixiyo ama iyaga oo aan garaad san la guuriyo , sababta sidaasi oo sameynayo waxa ay haween badan noogu sheegeen in laga cararayo in gabadha ay gabarnimo ku weynaato, ama ay ceeb u keento qoyska ay ka dhalatay, balse taasi cagsigeed waxaa jira sababo kale oo sheegayo in muhiimada ay tahay in gabadha dhaqaalo laga helo ama la dhaqan galiyo Maahmaahda ah gabari guri hakaaga jirto ama god.

Waalidiin badan oo gabdhahooda yaraata ku guuriyay ayaa maalin waliba u joogo xalinta khilaafaadka qoyska sababta oo ah, waxaa dhacda is faham daro nolosha la xiriirta taasi oo haddii xal loo waayo noqoneysa in ay kala tagaan labada qof

waana sababta aad u arkeyso gabdho aan tiro yareen oo ka hooseeya 25 jir heysta ugu yaraan 3 ama 4 carruur sheegayo in ay soo guursadeen labo nin balse ay muddo ka dib nolosha isku fahmi waayeen.

Haddaba doodan oo ay ka qeyb gali doonaan Haweenka ka tirsan bulshada rayidka waxaa ay ku saabsan tahay gabadha ma waxaa wanaagsan in iyada oo aan garaadsan la guuriyo ama in marka ay garaadsato in la guuriyo waxaa ka qeyb galayo. Illaa lix haween ah oo magacooda ku bilaabi doona Aniga oo ah Nasriin Maxamed ayaa qeybinayo.

Ka dhageyso halkan ku dhageyso barnaamijka Haweenka iyo Nolosha.