Home - Wararka Somalia - Dhageyso: Dowladda Somaliya oo ka hadashay Sii deynta Maxaabiista kuxiran seychelles

Dhageyso: Dowladda Somaliya oo ka hadashay Sii deynta Maxaabiista kuxiran seychelles

Muqdisho: Xukuumada Soomaaliya ayaa ka hadashay Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Jaziirada yar ee seychelles ee ku taala Qaaradan Afrika.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay inuu socdo qorshe la doonayo in lagu soo daayo Maxaabiista kuxiran halkaas si dib dalkooda loogu soo celiyo.

Wasiir Yariisoow ayaa sheegay in Dowladda cusub uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay aad dadaal ugu bixisay sidii jeelalka looga soo deyn lahaa Maxaabiista xiran ee Soomaaliyeed, Waxa uu soo qaatay Maxaabiistii laga soo daayay Dalka Itoobiya iyo kuwa haatan Maxkamadeyntooda ay ka socoto Dalka India.

Maxaabiista haatan kuxran seychelles ayaa ah dhalinyaro loo heysto Burcad Badeednimo kuwaas oo Sanado xiran waxaana laga soo wareejiyay Dalal ay kamid tahay Malesia.

Wasiir Yariisoow ayaa sheegay iney diyaarinayaan Wafdigii loo diri lahaa dalkaas si ay madaxda ugala hadlaan sii deynta Soomaalida uxiran.

Dhageyso Codka Wasiir Yariisoow:

      Codka Wasiir Yariisoow