Home - Wararka Somalia - Dhageyso: Kheyre oo todobaadkiiba laba jeer la xisaabtamaya Wasiiradiisa

Dhageyso: Kheyre oo todobaadkiiba laba jeer la xisaabtamaya Wasiiradiisa

Muqdisho: Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa isla xisaabtan joogta ah la bilaabaya Golihiisa Wasiirada ee Xukuumada Somaliya si loo ogaado waxa ay qabteen.

Xasan Cali Kheyre ayaa maalmaha Sabtida iyo Axada ee Todobaad walba mid mid ula fariisanaya Wasiirada, isagoo ka dhageysanaya waxa ay qabteen iyo howlaha horyaala.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa Saxaafada Muqdisho ugu sheegay in hadafka laga leeyahay qorshahan cusub ay tahay sidii loo dardar galin lahaa howlaha laga rabo Xukuumada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare kheyre ayaa tan iyo markii lamagacaabay 23-kii February waxa uu waday olole uu sheegay inuu uga gol leeyahay sidii loo ciribtiri lahaa musuq maasuqa iyo wax qabad la’aanta wasiiradiisa.

Kheyre ayaa dhawaan soo saaray amar lagu farayay shaqaalaha dowladda iney xafiisyadooda tagaan aroorta hore ayna shaqeeyaan 8 Saacadood oo xiriir ah qofkii maqnaadana shaqo laga qabanayo.

Dhageyso Codka Wasiir Yariisoow:

      Codka Wasiir Yariisoow
Ad