Home - Wararka Somalia - Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay waxa uu ku xushay Sawirka uu suray Madaxtooyada

Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay waxa uu ku xushay Sawirka uu suray Madaxtooyada

Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa markii uhoreysay ka hadlay waxa uu ku xushay inuu Madaxtooyada Suro Sawirka Madaxweynihii uhoreeyay ee Somaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Farmaajo ayaa qaatay go’aan ka gadisan Madaxdii isaga ka horeysay maadaama horay ay usuran jireen Sawirradooda balse Madaxweyne Farmaajo ayaa suray Sawirka Madaxweyne Aadan Cadde.

Baraha Bulshada ayaa Maalmaha aad looga hadal hayay talaabadan iyadoo dad badan ay uriyaaqeen halka dadka qaarna ay dhaliilo ka keenayeen.

Fariin muuqaal ah oo la soo dhigay barta Facebooka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Aadan Cadde uu yahay Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya, oo ku yimid hab dimoqraadiyad ah, dimoqraadiyadna uga tagay Afrika oo aan wali fahamsaneyn wax dimoqraadiyad la yiraahdo.

Labo cisho ka hor Barta Twitter-ka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la soo dhigay sawirka (Aadan Cadde) oo suran Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo:

      Madaxweyne Farmaajo
Ad