Home - Wararka Somalia - Dhageyso: Nabadoon Shire Doongaale oo Muqdisho lagu dilay

Dhageyso: Nabadoon Shire Doongaale oo Muqdisho lagu dilay

Muqdisho: Gelinkii dambe ee maanta, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah ergadii soo xushay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Shire Doongaale, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Laba Dhagax ee Degmada Wardhiigley, xilli uu maqaaxi fadhiyay.

Ehelada Marxuumka ayaa Mustaqbal u sheegay laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa iney  dileen Nabadoon Shire Doongaale, dabadeedna ay ka baxsadeen goobtaasi.

Dadkii goobta joogay oo arkay in dhaawac darani uu soo gaaray oday dhaqameedka, ayaa ula cararay goobaha caafimaadka, inkastoo Isbitaal Madiina uu ku geeriyooday

Nabadoon Shire Doongaale, ayaa ka mid ahaa ergadii Galmudug ee Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Nabadoon Doongaale, oo uu ku ammaanay in uu gacan ka gaystay dib u heshiinta iyo nabadaynta dalka.

Dhageyso Wareysiga Wiil uu Adeer uyahay Nabadoon Doongaale oo nooga waramay Geeridiisa:

      WAREYSIGA EHELDA MARXUUMKA LA DILAY
Ad

2 comments

  1. Saacid Garsakiin

    Saacid Garsakiin
    April 13, 2017 at 11:19 PM
    إنا لله وإنا إليه راجعون

    Maqribkii aan maqlaan murugo aheyde

    Nina ehelkiis kama maaro oo Waa mushkilad taase

    Inkastoo malakumowd lagu dhicin mudoow leeyahaye

    Maslaxadoow dooni jiray ayaa sii mirkici doona

    Meeshow kabaxay ninkii maahirka ahaaye

    Sidoow wax u maarayn jiray yaa matali doona

    meelohoow ugu mudnaay baa gocanayaa mooye

    Miskiinadoow lafadhiyi jiray baan goncanayaa mooye

    Maamul wanaagiisii baa gocanayaa mooye

  2. Saacid Garsakiin

    إنا لله وإنا إليه راجعون

    Maqribkii aan maqlaan murugo aheyde

    Nina ehelkiis kama maaro oo Waa mushkilad taase

    Inkastoo malakumowd lagu dhicin mudoow leeyayba

    Maslaxadoow dooni jiray ayaa sii mirkici doona

    Meeshow kabaxay ninkii maahirka ahaaye

    Sidoow wax u maarayn jiray jaa matali doona

    meelohoow ugu mudnaay baa gocanayaa mooye

    Miskiinadoow lafadhiyi jiray baan goncanayaa mooye

    Maamul wanaagiisii baa gocanayaa mooye

Fikirkaada ka dhiibo