Home - Wararka Somalia - Dhageyso: Ninkii xalay xaaskiisa ku dilay Jowhar oo maanta lagu wareejinayo Maamulka Sh.Dhexe

Dhageyso: Ninkii xalay xaaskiisa ku dilay Jowhar oo maanta lagu wareejinayo Maamulka Sh.Dhexe

Jowhar: Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Sh.Dhexe iyo kan Jowhar ayaa maanta tagaya Deegaanka tuugaareey oo hoostagta degmada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeelle.

Deegaankaas ayaa maqribnimadii xalay waxaa ka dhacay dil uu nin ugeystay xaaskiisa kadib markii uu soo kala dhexgalay muran ka dhashay Koob biyo ah ii keen.

C/llaahi Cali Xasan oo kamid ah dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan Sh.dhexe ayaa toogtay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Faar C/qaadir, goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in haweeneyda geeriyootay ay leheyd Uur dhowr bilood ah.

Masuuliyiintan ayaa utagaya deegaanka sidii ay usoo kaxeyn lahaayeen Ninka wax dilay oo arintiisa laga xaajoonayo waxaana maanta la qaadan doonaa go’aan kama danbeys ah oo ku aadan in labada qoys ay arinta si hoose xal uga gaaraan ama Toogasho lagu fuliyo.

Ninka wax dilay ayaa xalay ku hoyday deegaanka waxaana hayay qoyskiisa oo gacanta ku dhigay kadib markii uu dhowr xabadooda xaaskiisa qeybta sare ee jirkeeda kaga dhuftay.

Cumar Maxamed Xaaji oo kamid ah dadka deegaanka ay dhacdadan argagaxa leh ka dhacday ayaa Mustaqbal usheegay iney eheyd nooceeda tii ugu horeysay ay aad ula fajaceen qaabka dilku udhacay.

Dhageyso Wareysiga Cumar Maxamed Xaaji:

      WAREYSIGA GOOBJOOGAHA TUGAALEEY
Ad

Fikirkaada ka dhiibo