Home - Wararka Somalia - Dhageyso: Sidee ayey udhaceysa xil wareejinta Madaxweynaha Cusub

Dhageyso: Sidee ayey udhaceysa xil wareejinta Madaxweynaha Cusub

Muqdisho-AllSaaxo.Com- Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya maanta waxaa ka daceyso munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha Cusub ee dalka Maxamede C/llaahi Farmaajo.

Waxa uu xilka kala wareegayaa Madaxweynihii uu kaga guuleystay wareegii udanbeeyay ee doorashadii dhacday Sideedii bishan Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa mudo kusiman 8 Maalin dibadjoog ka ahaa Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uu si kumeel gaar ah ugu shaqeynayay Hoteelka Jazeera ee ku yaala Muqdisho.

Munaasbaada xil wareejinta ayaa qorsheheda eheyd iney dhacdo shalay balse axey ubaaqatay dalab ka yimid Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo Farmaajo ka codsaday inuu dhowr cisho siiyo si uu udhameystirto dayactir ku socdo guriga uu ka dagayo Muqdisho.

 

Ad