Home - Wararka Somalia - Dhageyso: Xulka Kubada Cagta Somaliya oo Final usoo gudbay.

Dhageyso: Xulka Kubada Cagta Somaliya oo Final usoo gudbay.

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee ka yar 17 sano, ayaa taariikh sameeyay, kadib markii ay gaareen fnalka tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.

Ciyaarahan oo ka socda dalka Burundi ayaa xulka Soomaaliya waxay ka adkaadeen ciyaartii Semifinalaha xulka dalka Uganda oo ay gool iyo waxba kaga awood roonaadeen. Goolka waxa u dhaliyay ciyaarhaan Farxaan Duqow.

Sidoo kale, xulka Uganda ayaa iska khasaariyay gool ku laad ay heleen qeybtii hore ee ciyaarta.

Soomaaliya, ayaa finalaha la dheeli doonta xulka dalka Tanzania 29-ka bishan April, ee maalinta Axadda ah. Tanzaina ayaa iyagana 2-1 kaga soo adkaaday xulka dalka Kenya.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Wareysi ay siisay Idaacadda Mustaqbal, waxey ku sheegtay iney qabaan Rajo ah in Final Somaliya kaga adkaato Dalka Tanzania.

Waxa ay dhinaca kale sheegtay iney Xero ku xareyn doonaan Ciyaartoyda ka yar 17-ka Sano ee Guulaha Taariikhiga ah dalkan usoo Hoyiyay, Marka ay dalka ku soo laabtaan ayey dhinaca kale sheegtay iney abala marino qaali ah gudoonsiin doonaan Halyeeyada Dalka.

Xulka Soomaaliya, ayaa noqotay kooxda kaliya ee wareegga koowaad ku soo baxda 7 dhibcood, iyagoo sidoo kale aan wax gool ah laga dhalinin sharciyan, kadib markii ciyaartii koowad oo ay la dheleen Itoobiya dhibicihi iyo goolashiiba Soomaaliya loo soo celiyay. Itoobiya ayaa lagu heley xad-gudub ah inay soo safeen ciyaartoy da’ weyn.

Dhageyso Wareysiga Wasiir Khadiijo ee Guusha Somaliya ka gaartay Uganda:

      WAREYSIGA WASIIR KHADIIJA