Home - Wararka Somalia - Dhegeysi: Guddoomiyaha Wadajir oo ka hadlay Gaariga ku qarxay Degmadiisa

Dhegeysi: Guddoomiyaha Wadajir oo ka hadlay Gaariga ku qarxay Degmadiisa

Muqdisho: Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho Axmed Cabdulle Afrax,ayaa waxaa uu ka warbixiyay Qarax loo adeegsaday Gaari laga buuxiyay walxaha qarxa.

Guddoomiye Axmed  ayaa waxaa uu sheegay in Raggii Gaarigaas Qarxay watay uu mid kood baxsaday midna la dhaawacay kaddib markii ay rasaas isdhaafsadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo goobta tagay.

Gaariga Qaraxa lagu xiray oo la dhigay Xaafadda Xaawo Taako,ayaa waxaa lagu war geliyay Ciidamada Dowladda markii ay tageenna waxaa ay la kulmeen labo dhallinyaro ah oo Baskoolado watay.

Rasaas ay is dhaafsadeen Kaddib Ciidamada ayaa isku dayay in ay Gaariga ka furaan walxaga Qarxa,waxaana uu qarxay inta aan laga furin Qaraxyadii ku xirnaa.

Guddoomiyaha Wadajir waxaa uu intaas ku daray in ay Ciidamada dhaawaceen mid ka mid ah Raggii watay Garaiga Qarax inkasta oo uusan sheegin ain ay hayaan iyo in kale.

Dhegeysi:

      Codka Gudoomiyaha Wadajir
Ad

Fikirkaada ka dhiibo