Home - Wararka Somalia - Dibadbaxyo ka dhan ah Mareykanka oo ka dhacay Dalka Ciraaq

Dibadbaxyo ka dhan ah Mareykanka oo ka dhacay Dalka Ciraaq

Kumanaan qof oo u dhashay Dalka Ciraaq ayaa isugu soo baxay Waddooyinka Magaalooyinka waaweyn ee dalka Ciraaq waxaana ay ka soo horjeedaan weerarkii dhawaan uu Mareykanka ku qaaday Dalka Syria.

Dadka Reer Ciraaq ayaa Dab qabadsiiyay Calanka Mareykanka,waxaana ay ku qeylinayeen” jooji bur burinta Syria oo aad u bur burineyso sidii aad dalkeenna u bur burisay sanadkii 2003dii”,iyada oo inta badan dadka banaanbaxayay ay ahaayeen dadka shiicada ah.

Banaanbaxyada waxaa ay ka dhaceen magaalada Baqdaad gaar ahaan Xaafadda Nasri City, Magaalooyinka Najaf iyo Basra ee Koofurta Dalka Ciraaq.

Mareykanka,France iyo UK ayaa weerar u badnaa gantaalo Sabtigii ku qaaday Dalka Syria,waxana ay sheegeen in ay baabi’iyeen xarumihii keydka Hubka Kiimikada ah ee Syria.

Dowladda Syria ayaa arrintaas beenisay,waxaana ay sheegtay in inta badan gantaallada la bur buriyay ka hor inta aysan dhicin iyaga oo qaarkood ku dhacay Warshad sameysa Daawada Cudurka Kansarka oo ku taalla Caasimadda Dimishiq.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*