Home - Banaadir - Diiwaan gelinta Musharixiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo soo idlaatay.

Diiwaan gelinta Musharixiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo soo idlaatay.

Diiwaan gelinta Musharixiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo soo idlaatay
Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo 23-ka iyo 24-ka April u qabtay diiwaan gelinta Musharixiinta u tartameysa Xilka Afhayeenka Golahaas ayaa ku dhawaaqay in ay soo xireen Araaji Qabashada.

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashada oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa sheegay in 11-Xildhibaan ay isku diiwaan gelisay Doorashada Kursiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Arbacada iyo Khamiista oo ku kala beegan 25-ka iyo 26-ka April oo berri iyo Berri dambe ah ayuu sheegay in ay Khudbadahooda ka jeedin doonaan 11-Musharax Golaha Shacabka.

Habsami u socodka jadwalkii ay u dajiyeen Dorashada ayuu tibaaxay in ay ku wadaan Dhaqan gelintiisa, guud ahaanna Hadal Jeedinta Xildhibaanada Musharixiiinta ah ay kusoo gaba-gabeyn doonaan Khamiista, wixii xiligaasi ka dambeeyana ay isku diyaarin doonaan Doorashada.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu sheegay in ay berri kulan ku yeelan doonaan Xaruntooda, loona diray Fariinta Ajendaha oo ah Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta.