Home - Wararka Somalia - Dowladda Federaalka oo ka hadashay xilliga dib loo billaabayo wadahadallada Somaliland,Maqal

Dowladda Federaalka oo ka hadashay xilliga dib loo billaabayo wadahadallada Somaliland,Maqal

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u billaabanayaan Wadahadallada Maamulka Somaliland iyo dowladda u dhaxeeyay ee hakadka ku jiray Sanadkii la soo dhaafay.

Ra’islawasaare ku xigeenka XUkuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Somaliland ay nabad ku wada noolyihiin islamarkaana aysan jirin wax dhib ah oo hadda u dhaxeeya.

Waxaa uu Guuleed sheegay in Wadahadallada ay dib u furmi doonaan kaddib doorashada madaxtinimada Maamulka Somaliland oo dhaceysa 13ka Bisha Novermber ee Sanadkan.

Ballan qaadka Madaxweyne Farmaajo ayey ka mid ahayd in uu wadahadal la furo Maamulka Somaliland si looga qanciyo ictiraafka ay raadinayaan,waxaana  uu mr Guuleed sheegay in wadahadalkaas uu dardar ku billaaban doono kaddib doorashada Madaxtinimad Somaliland.

      Cod Xukuumadda