Home - Wararka Somalia - Dowladda Somaliya oo dalka uga yeertay 8; danjire,Magacyada

Dowladda Somaliya oo dalka uga yeertay 8; danjire,Magacyada

Warqad ka soo baxday Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dalka looga yeeray Sideen danjire oo Soomaaliya u jira sideed Dal oo Caalamka ku kala yaalla.

Warqaddan oo ay aragtay Mustaqbal Radio,ayaa waxaa ku qoran u jeeddo ah soo celin,waxaana loo qabtay in 30 Cisho oo ka billaabaneysay Shalay oo ay Warqadda soo baxday ku soo galaan dalka.

Danjirayaasha la amray in ay soo laabtaan waxaa ay kala yihiin:

Danjire; Yuusuf Xasan Ibraahim                            China

Danjire ;C/Raxmaan Cabdi Xuseen                         Jabuuti

Danjire; C/Qaadir Sheekheey Maxamed               Abu-Dhabai

Danjire; C/Qaadir Sh.Amiin Abuukar                       Kuwait

Danjire; Cumar Sheekh Cali Idiris                              Qadar

Danjire; Maxamed Cabdi Ugaas                                 Suudaan

Danjire;Sayid Axmed Sh.Daahir                                 Uganda

Danjire; Maxamed Xasan                                                Zambia.

Warqaddan waxaa ku saxiixay C/Qaadir C/Raxmaan Cabdi oo ah ku simaha Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah.

Warar hoose oo ay heshay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegaya in la filayo in dowladda Soomaaliya isku shaandheyn ku sameyso danjirayaasha dibadda ee Soomaaliya iyada oo sidoo kale la sheegayo in la magacaabayo 14; danjire.

54 comments

  1. Please permit me understand in order that I may just subscribe. Thanks.

  2. Looking around I like to surf around the web, often I will go to Digg and read and check stuff out

  3. Post writing is also a excitement, if you know after that you can write if not it is complicated to write.

  4. publish was once good. I do not understand who you might be however

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*