Home - Wararka Somalia - Dowladda Somaliya oo xiratay Markabkii jaray Internetka.

Dowladda Somaliya oo xiratay Markabkii jaray Internetka.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiratay Markab laga leeyahay Dalka Cumaan,kaas oo lagu eedeeyay in uu jaray Fiilada Internet-ka ee bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Markabkan oo ku xiran Dekadda Muqdisho ayaa 24kii June jiiray Fiilada Internetka ee Soomaaliya koofurteeda,waxaana uu maqan yahay ilaa hadda.

Internetka maqan waxaa uu sameyn taban ku yeeshay dhamaan shaqada Dadka sida Dowladda,Hay’adaha gaarka ah,kuwa samafalka,Ganacsiga,Warbaahinta.Bangiyada iyo Xawaaladaha,socdaalka iyo wixii la mid ah.

Sharikadda iska leh Markabkan hadda la xiray ee Fredriksen,ayaa Markabkan lagala wareegay Sanad ka hor kaddib markii uu ku xirtay dekadda Chittagong ee Dalka Bangladesh laguna helay in uu bixin waayay lacagihii canshuuraha ahaa,isaga oo ay dacweysay waaxda Dekadaha Dalka Bangaldesh.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sharikadda ka dooneysa magdhowga khasaaraha uu sababay Internetka oo ka badan $2,000,000 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinkiiba la khasaaro 10 Milyan oo dollar Ineternetka maqan dartiis,waxaana ay lacagtaas dusha ka saartay Sharikadda iska leh,iyada oo haddii ay diidana Maxkamad la tiigsan doonta.

One comment

  1. That is very interesting, You are an excessively professional blogger. I’ve joined your rss feed and stay up for in search of extra of your excellent post. Additionally, I have shared your site in my social networks!