Home - Wararka Somalia - DPWorld oo la wareegtay Dekadda Boosaaso

DPWorld oo la wareegtay Dekadda Boosaaso

Sharikadda DPWorld ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta la wareegtay Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Munaasibadda ay Dekadda kula wareegeysay DPWorld waxaa ka qeybgelay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland iyo Wakiillo ka socday Sharikadda DPWorld.

Sharikadda DPWorl oo horay ula wareegtay Dekadda Magaalada Berbera ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay Maamulka Dekadda Boosaaso iyada oo gacanta ku heyn doonta 30ka Sano ee soo socda.

Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa saxiixay heshiiska DPWorld kula wareegtay Dekadda Magaalada Boosaaso,waxaana heshiiskaas ku jirta in Dekadda la geliyo lacag dhan $336Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

DPWorl ayaa sida heshiisku dhigayo ballaarin doonta Dekadda waxaana ay gaarsiin doontaa 400Mitir,iyada oo sidoo kale dayactir ku sameyn doonta qeybaha kale ee Dekadda.

DPWorld waxaa ay 1dii march ee Sanadkan la wareegtay Dekadda Magaalada Berbera oo ay maamuli doonto 25ka sano ee soo socda,waxaana hadda qorshaha ugu jira heshiisyo ay kula wareegeyso Dekadaha Kismaayo,Baraawe,Marka iyo Hobyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*