Home - Wararka Somalia - Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Gedo

Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Gedo

Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Duqeyn diyaaradeed ka dhacday Degaanka Kabis oo u dhow Degmada Garbahaarreey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya DIyaaradaha duqeeyay degaankaas iyada oo dadka qaar ay sheegayaan in ay wateen Ciidamada Kenya halka kuwo kalena ay sheegayaan in ay yihiin Diyaaradaha Mareykanka.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ee Amniga iyo SIyaasadda  Cismaan Nuur Xaaji ayaa u sheegay Warbaahinta in Diyaaradaha duqeynta geystay ay wateen Ciidamad Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu ku faanay in 40 Xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay degaankaas oo ay ka midyihiin 4 Ajaanib ah oo uu ku jiro Qof Caddaan ah iyo Saddex  Afrikaan ah.

Ad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*