Home - Wararka Somalia - Faahfaahin: Dabkii xalay ka kacay suuqa Bakaaraha
18- Ganacsato Soomaali ah oo ku howllan daminta dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho,Feb,27,2017.

Faahfaahin: Dabkii xalay ka kacay suuqa Bakaaraha

Muqdisho: Dab xoogan, ayaa caweysnimadii Xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona la sameeyay dadaalo lagu doonayay in dabka lagu baqtiiyo.

Dabkan, ayaa ka kacay agagaarka Suuqa Khaliifa, waana goobta ay ku badan yihiin harqaamada/dawaarada dharka lagu tolo. Goobta gubatay waa isla goobtii bishii February uu dabka ka kacay.

Kooxaha gurmadka deg degga ee dab demiska oo gaaray halkaasi, ayaa sameeyay dadaalo  ay dabka uga hortaggan in dhul hor lihi uu ku fido.

Dadka deegaanka iyo ganacsatada goobaha gubatay, ayaa sidoo kale ka qayb qaadatay dabka demintiisa.

Dabka oo bilowday qiyaastii 10:20 ee xalay , ayaa demintiisa waxaa sii dhaareeyay gawaarida dabka demiska oo biyihii ay ka go’een, iyagoona dib biyo uga doontay xarumahooda.

Dabka ayaa waxaa ka dhashay khasaare hantiyadeed iyadoo la sheegay inuu dabka baabi’iyay goobo ganacsi oo ay taalay hanti fara badan.

Dhanka kale Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa amniga suggayay intii daminta dabka socday, waxaana lagu arkayay wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha.

Ciidamada, ayaa doonayay in ay ka hortaggaan in laga faa’iideysto dabka, boobna lagula kaco goobaha ganacsi ee ku yaala Bakaaraha.

Waxey noqoneysaa markii saddexaad uu suuqa Bakaaraha gubto sanadkan gudihiis, sidoo kale waa markii 2-aad uu suuqa gubto mudo kusiman 90 cisho gudeheed.

Ad