Home - Wararka Somalia - Gaari ay wateen Ciidanka dowladda oo wiil yar ku dilay Tarabuunka

Gaari ay wateen Ciidanka dowladda oo wiil yar ku dilay Tarabuunka

Muqdisho: Gaari ay wateen Ciidanka Meliteriga ayaa waxa uu maanta ku jiiray cunug yar oo aan qaan gaarin Isgoyska Tarabuunka Ee Magaalada Muqdisho.

Baabuurka Shilka geystay oo ahaa nuuca Cabdi bilaha Soomaalida utaqaano ayaa si xawaaro ah ku socday iyadoo wiilka uu dar daray kaasoo dhaawac ahaan loola cararay cusbitaalka ugu dambeyna ugeeriyooday.

Da’da wiilkaasi waxa lagu sheegay 8 sano jir waxaana gaarigii falka geystay uu iska sii watay socdaalkiisa isagoona aan xitaa istaagin markii uu jiiray gaariga.

Hooyada dhashay Cunugaasi oo lagu magacaabo Cudbi Cabdi waxay sheegtay inay Laamaha amniga Dawlada ka dooneyso in magta cunugeeda meel lagu soo sheego,iyadoo tilmaamtay in si gaar ah Wasarada Gaashaandhiga ka dooneyso in dhiiga wiilkeeda meel loo saaro.

Dhacdooyinka nuucaan oo kale waxaa lagu arki jiray Ciidanka AMISOM oo inta Muwaadin Soomaaliyeed gaarigooda jiiro kadibna ay ka tegi jireen goobta falku ka dhacay.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo