Home - Wararka Somalia - Gaas oo Isbitaalka Digfeer ku booqday Askar uga dhaawacantay Qaraxii Boosaso (Sawirro)

Gaas oo Isbitaalka Digfeer ku booqday Askar uga dhaawacantay Qaraxii Boosaso (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ku booqday Askar iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso Khamiistii hore.

Booqashada Gaas ee Digfeer waxaa ku wehliyay  Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Cismaan iyo ams’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Gaas ayaa mid mid u gacan qaaday Askarta dhaawaca ah ee ku jirta Isbitaalka waxaana uu ka wareystay sida ay tahay xaaladdooda.

Sidoo kale waxaa uu isla gudaha Isbitaalka kula kulmay Maamulka Sare ee Isbitaalka Digfeer oo uu ka wareystay sida ay u wajaheen Dhaawaca askartaas iyo sida ay yihiin.

http://www.puntlandvision.com/wp-content/uploads/2017/12/

http://www.puntlandvision.com/wp-content/uploads/2017/12/

http://www.puntlandvision.com/wp-content/uploads/2017/12/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*