Home - Wararka Somalia - Galmudug oo ka hadashay Odayaal Al-shabaab ay ku xireen Gobolka Mudug

Galmudug oo ka hadashay Odayaal Al-shabaab ay ku xireen Gobolka Mudug

Xarakada Al-shabaab ayaa xabsiga dhigay Dad u badan Odayaal Waaliddiin iyo Ganacsato ka horyimid amar ay ku bixiyeen in Carruurtooda geeyaan Dugsiyada Al-shabaab ee Waxbarashada.

Dadkan ayaa laga xir xiray degaanka Warshubo ee Gobolka Mudug oo hoostagta Degmada Xarradheere oo ay maamulaan Al-shabaab.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Khaliif Cadale iyo Cumar Faaruuq oo ka tirsan Al-shabaab ay dadka ku amrayaan in Carruurtooda ay geeyaan Dugsiyada Al-shabaab.

Maamulka Galmudug oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ay arrintaas ka jawaabayaan islamarkaana ay qaadayaan tallaabo arrintaas wax looga qabanayo.

Wasiirka  Amniga Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Maamulkooda ay soo gaartay Arrintaas islamarkaana ay qaadayaan tallaabo ay Odayaashaas kaga soo furanayaan Al-shabaab.

Taardhuleed,waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay doonayaan Carruurta da’doodu dhaxeyso 6 jir ilaa 15 jir,kuwaas oo ay geynayaan Maddaaristooda.

Odayaashan la xir xiray ayaa waxaa la isugu geeyay Degmada Xarradheere ee Gobolka Mudug halkaas oo ay ka taliyaan Al-shabaab.

Ad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*