Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Gareth Southgate: Oo Ammaan Huwiyay Neymar Ka Hor Kulanka Cwa”

Gareth Southgate: Oo Ammaan Huwiyay Neymar Ka Hor Kulanka Cwa”

W/D: ( @AbdulahiHusein_  ) Xiddiga ugu qaalisan dunida Neymar ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee dunida ee u qalma 200 milyan ginni, sida uu sheegay tababaraha xulka Ingariiska Gareth Southagate.

Southgate ayaa uga digay ciyaartoydiisa halista uu leeyahay Neymar ka hor kulanka saaxiibtinimo ee ay caawa Wembley kula ciyaarayaan xulka Brazil, waxaana uu shaaca ka qaaday inuu hayo qorshayaal uu ku celin karo weeraryahanka.

Kabtanka Brazil ayaa heshiiska rikoorka adduunka ah oo gaaraya 200 milyan ginni uga tagay Barcelona kuna biiray kooxda horyaalka Faransiiska ka dhisan ee Paris Saint-Germain bishii Agoosto, waxaana uu Southgate aaminsan yahay inuu yahay ciyaaryahanka kaliya ee u qalma 200 milyan ginni.

Neymar oo 25 sanno jir ah ayaa isagu diyaariyay kulanka England inuu shabaqa soo taabtay kulankii ay Brazil 3-1 kaga badisay Japan maalintii Jimcaha.

“Haddii uu jiro hal ciyaaryahan oo u qalma 200 milyan ginni, waxaan dhihi lahaa waa isaga” ayuu yiri Southgate. “Sida iska cad waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican dunida waqti xaadirkaan.”

England ayaa barbaro goolal la’aan ah la gashay Germany Jimcihii laakiin Southgate ayaa aaminsan in ciyaartoydiisa ay wajihi doonaan shaqo adag marka ay ka horimaanayaan xul uu u arko inuu yahay xulka ugu fiican dunida.

Brazil ayaa si sahlan ugu soo baxday Koobka Adduunka iyadoo laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 18 kulan oo ay ciyaareen waxaana ay 10 dhibcood ka sareeyeen xulkii kaalinta labaad ku soo baxay ee Uruguay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*