Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Germany oo ku guuleystay koobka Qaaradaha ee ka socday Ruushka

Germany oo ku guuleystay koobka Qaaradaha ee ka socday Ruushka

Xulka Qaranka Dalka Germany ayaa hantay koob kale oo muhiim ah islamarkaana gogol dhig u ah Koobka Adduunka ee 2018ka lagu qabanayo Dalka Ruushka.

Wiilasha Tababare Low,ayaa muujiyay in uusan isbeddel ku iman xulkii Germany ee 2014kii ku guuleystay koobkii Adduunka ee lagu qabtay Dalka Brazil.

Germany waxaa ay  1-0 uga badiyeen dhiggooda Chile oo ka socday Qaaradda America,kuwaas oo ciyaarta kama dambeysta ah soo gaaray.

Xulka Germany waxa goolka kaliya ee ay ku badiyeen ka caawiyay wiilka weerarka uga ciyaara Kooxda Borussia Monchengladbach , ee lagu magacaabo Lars Stindl.

21jirrada Germany ayaa todobaadkan iyana hantay Koobka Ciyaartoyda da’doodu ka yartahay 21ka ee Yurub,waxaana ay ka qaadeen dalka Spain.

Ad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*