Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Gianluigi Buffon: Oo Soo Bandhigay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Ka Garab Ciyaaray Iyo Kuwa Oo Ka Hor Tagay”
TURIN, ITALY - SEPTEMBER 30: Gianluigi Buffon of Juventus celebrates after his team-mate Alvaro Morata scored the opening goal during the UEFA Champions League group E match between Juventus and Sevilla FC on September 30, 2015 in Turin, Italy. (Photo by Valerio Pennicino/Getty Images)

Gianluigi Buffon: Oo Soo Bandhigay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Ka Garab Ciyaaray Iyo Kuwa Oo Ka Hor Tagay”

W/Q: (Abdullahi Hussein) Goolhayaha khabiirka ah ee xulka qaranka Italy ee Gianluigi Buffon ayaa shaaca ka qaaday xiddigihii ugu fiicnaa ee uu la soo ciyaaray iyo kuwii ugu fiicnaa ee uu ka hor tagay noloshiisa ciyaareed.

Gianluigi Buffon oo  oo waraysi siiyay wargayska COPA90 ayaa yiri” xaqiiqda marka aan ka hadlo waxa aan si aad ah u taageeraa daafacyada laakiin waan necebahay weeraryahanada”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”4-tii xiddig ee ugu fiicnaa ee aan ka hortagay ayaa ah Ronaldo Brazil,Lionel Messi,Cristiano Ronaldo iyo Zidane”.

“Daafacyada ugu fiican ee aan ka soo garab ciyaaray ama ka hor yimid ayaa ah Lilian Thuram,Fabio Cannavaro,Giorgio Chiellini,Andrea Barzagli,Leonardo Bonucci iyo Daniele Rugani”.

Isaga oo doortay xiddigaha tayada leh ee uu ka soo garab ciyaaray” ayuu doortay xiddigaha Pirlo,Totti,Del Piero,Baggio iyo Maldini”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*