Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Giorgio Chiellini: Kane waxa uu la heer yahay xiddigaha Ronaldo, Messi iyo Neymar!

Giorgio Chiellini: Kane waxa uu la heer yahay xiddigaha Ronaldo, Messi iyo Neymar!

Juventus xiddiga daafaca ugu ciyaara ee Giorgio Chiellini ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay Harry Kane iyo xiddigaha  Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Neymar.

 

Tottenham xiddiga weerarka ugu ciyaara ee Harry Kane waxa uu lamid yahay sida laacibiinta Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Neymar sanadahan, sida uu sheegayo daafaca Juve Giorgio Chiellini.

 

Kane ayaa dhalinayay waxa ka badan 20 gool 4-sano ee lasoo dhaafay waxaana qeyb ka ah 23-gool uu xili ciyaaredkan ka dhaliyay Horyalka  Premier League.

 

Chiellini ayaa hoosta ka xariiqay in xiddiga herka caalami ee wadanka England inu u qalmo in lal meel dhigo xiddigaha caalamka ugu fiican sida, Messi, Ronaldo iyo Neymar – kuwaas oo hada ah 3da xiddig ee aduunka ugu fiican.

 

“Kane hada waa mid kamid ah xiddigaha aduunka ugu fiican, marka loo eego sanadahii lasoo dhaafay, goolasha uu dhaliyay waxa uu leyahay tayo uu ku yahay mid kamida xiddigaha aduunka ugu fiican,’’Juventus daafaceda rugcadaaga ah ayaa sidaas u sheegay Mirror, ka hor kulanka caawa kooxdisa ay wajaheyso naadiga Tottenham lugta hore ee Champions League wareega 16aad.

 

“Messi, Ronaldo, Neymar – Kane waa xiddig lamid ah, waa mid kamida laacibiintsaas waana hubaa Tottenham in ay wax walba u sameyneyso sidii ay kusii heeysan lahayd

 

Kane ayaa si wayn loola xiriiriyaa kooxda heeysata koobka kooxaha yurub ee Real Madrid.

 

Chiellini ayaa hadalkiisa kusii daray in kooxaha ugu waa wayn adduunka aysan joojineyn marnaba in ay lam wareegaan xiddigaha fiican caalamka.

Labadan laacib ee Harry Kane iyo Giorgio Chiellini ayaa caawa dagaal adag u ku dhex mari doonaa garoonka kooxda Juventus ee Allianz Stadium.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*