Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Glen Johnson oo heshiis cusub usaxiixay kooxdiisa Stoke City.

Glen Johnson oo heshiis cusub usaxiixay kooxdiisa Stoke City.

Daafaca kooxda Stoke City ayaa saxiixay heshiis Hal Sano oo waqti kordhin ah waxaana uu kooxda kasii mid ahaanayaa illaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2018-ka.

32 sano jirkaan xulka England kana ciyaara daafaca midig ayaa kooxda Potters lagu naaneyso waxa uu kaga soo biiray dhanka kooxda Liverpool sanadii 2015.

Johnson oo uu heshiiskiisa kooxda ku ekaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa yiri., “heshiiska cusub ee aan kooxda usaxiixay waa mid muhiim ah”.

“Xaqiiqdi waxaan ku raaxeysanayaa waqtiga aan ku qaadanayo kooxda Stoke City kamid ahaan shaheeda waa mid ii wanaagsan inaan halkaan kusii sugnaado”.

Macalinka Stoke Mark Hughes ayaa dhankiisa hadlay waxaana uu yiri., “inaan fasaxno ciyaar yahan sida Glen oo kale ah waa noo doqon nimo”.

 

Ad

Fikirkaada ka dhiibo