Home - Wararka Somalia - Golaha shacabka oo gelaya fasax labo bilood ah

Golaha shacabka oo gelaya fasax labo bilood ah

Golaha shacabka Soomaaliya ayaa gelaya safax labo bilood ah iyada oo sidoo kalena la hakinayo kalfdhiyada Baarlamaanka ee socday.

Guddoomiyaha Golaha shacanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in laga billaabo  16ka Bishan December ay golaha gelayaan fasaxa labada bilood ah.

Jawaari ayaa sheegay in dhamaan ajendayaasha iyo Hidise sharciyeedyada horyaalla Golaha shacabka laga doodayo inta ka dhiman 16ka Bishan kaddibna la gelayo fasaxa.

Xildhibaannada ayuu ku boorriyay in aysan is dhigan,waxaan uu xusay in labada bilood ee fasaxa ay tahay xilliga ugu shaqada badan Golaha shacabka Soomaaliya maaddaama Xildhibaan kasta laga doonayo in uu tago degaannadii uu ka soo galay Golaha shacabka Soomaaliyeed.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*