Home - Wararka Somalia - Golaha Shacabka oo maanta Akhrinta 2-aad Marinaya Miisaaniyadda 2018-ka.

Golaha Shacabka oo maanta Akhrinta 2-aad Marinaya Miisaaniyadda 2018-ka.

Guddiga Wargelinta kulamada Baarlamaanka federaalka ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka u diray in kulankooda Maanta uu ku saabsanaan doono Akhrinta 2-aad ee Miisaaniyadda 2018.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa gali raba Fasax balse waxaa hortaagan in ay ka gudbaan Miisaaniyadda 2018-ka oo ay meel mariyaan ama ay dib u celiyaan.

Muddo Fasaxeedka Baarlamaanka ayaa gudaha u galaya Illaa bilawga sannadka cusub, waana midda keentay in safaxa baarlamaanka uu ku xirnaado meel marinta Miisaaniyadda sida ay Mustaqbal u sheegeen Xildhibaano katirsn Golaha Shacabka.

 

Akhrinta labaad kadib Mudanayaasha ayaa guda galaya ka doodista Miisaaniyadda oo horay usoo martay akhrinteeda 1-aad, si ay ugu biirayaan waxyaabaha ka badalka u baahan.

Miisaaniyadda Dowladda ayaa ka badan sanadii lasoo dhaafay, waxa ayna gaareysaa $274,640,19 Doollar (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Bishii November Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen ku ansixiyey Miisaaniyadda 2018-ka, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Maamul Goboleedyada uu ka talo galiyey Miisaaniyadda 2018-ka.