Home - Wararka Somalia - Golaha Shacabka oo manta ka doodaya dib u eegista Miisaaniyadda 2017

Golaha Shacabka oo manta ka doodaya dib u eegista Miisaaniyadda 2017

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa kulankoodii ugu dambeeyey wasiirka maaliyadda hor geeyey qorshooyin dib u eegis lagu sameynayo miisaaniyadda Dowladda oo horay loo ansixiyey, mudanayaasha baarlamaanka ayaa arbacadii dalbaday in la mariyo qorshahaan sida dastuurka waafaqsan oo la siiyo muddo 48-saac, kadibne ay ka doodaan miisaaniyadda dib u eegista lagu sameynayo.

Mahad Cabdalla Cawad oo kulankii ugu dambeeyey ee baarlamaanka shir gudoominaye ayaa sheegay in sida xeer hoosaadka baarlamaanka uu qabo in uu marka hore maro u qeybta mudanayaasha si ay usoo aqriyaan, kadibne wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ay hor tagga si wasiirku uu u aqriyo dib u aqrinta la xiriira dib u eegista miisaaniyadda Dowladda ee 2017-ka.

Xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya ayaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ku dhaliilay in ay dooneysay in ay si deg deg ah xildhibaanada ay kaga hesho cod ku aadan dib u aqrinta miisaaniyadda Dowladda, inkastoo xildhibaanada kolkii dambe ay dalbadeen in lasiiyo warqadaha uu wasiirka maaliyadda la hortagayo baarlamaanka si ay usoo aqriyaan kahor guda galka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodayo dib u eegista in dib loo aqriyo miisaaniyadda Dowladda, ajandahaan ayaa kamid ah qodobo horyaal fadhiga  xildhibaanada baarlamaanka oo 8-dii bishaan u furmay kalfadhiga 2-aad.

Ad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*