Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Gonzalo Higuaín: Oo Ganaax la kulmi kara kadib markii uu farta dhexe u taagay Taagerayaasha Barcelona inti ay socotay kulanki la xasuuqay Juvintuus”

Gonzalo Higuaín: Oo Ganaax la kulmi kara kadib markii uu farta dhexe u taagay Taagerayaasha Barcelona inti ay socotay kulanki la xasuuqay Juvintuus”

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus iyo xulka Argentina  ee Gonzalo Higuaín ayaa khatar ugu jira ganaax uga yimaada dhanka xiriirka kubada cagta Yurub kadib markii uu xalay  taageerayaasha Barcelona u taagay farta dhexe.

Higuaín ayey kaamiradaha garoonka  qabteen markii uu sii baxayay isago farta dhexe u taaga taageerayaasha kooxda ay garoonkooda ku ciyaarayeen ee Barcelona.

Xidigan ayaa laga yaaba in saacadaha soo socda uu ganaax kala kulmo xiriirka UEFA ee qaarada yurub.

juventus ayaa guuldaro culus oo 3/0 ah kala kulantay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa champions league xilli ciyaareedkan.

W\Q: Maxamed Ahmed (Liyo)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*