Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Guardiola: “hadii Man City ay ku guuleysato Champions leque-ga De Bruyne ayaa noqon doona Laacibka Aduunka”

Guardiola: “hadii Man City ay ku guuleysato Champions leque-ga De Bruyne ayaa noqon doona Laacibka Aduunka”

Pep Guardiola ayaa aaminsan in Kevin De Bruyne uu ku guuleysan doono Abaal marinta  Ballon d’Or haddii Manchester City ay ku guuleysato xilli ciyaareedkan Champions League.

 

De Bruyne ayaa hada ah xidiga ugu caawinta badan shanta horyaal ee yurub caawiye wuxuuna caawiye ka ahaa qaar ka mid ah 4 goal uu Sergio Aguero wuu ka dhaliyay kooxda Leicesterciyaar ka dhacday  garoonka Etihad Stadium.

 

Kooxda City ayaa wali hogaamineysa horyaalka Ingriska waxeyna heysataa xidigo muhiim ah sida De Bruyne oo ka mid ah xidigaha ugu fiican kooxda City.

 

Waxaa Todobaadkan dib loo ciyaari doona tartanka Yurub  iyadoo City ay u safreyso kooxda Basel ee horyaalka Swiss-ka taas oo De Bruyne usahleyso inuu fursad u helo si uu isu muujiyo si uu ugu mid noqdo xiddigaha u tartamaya abaal marinta  xidiga ugu fiican adduunka.

 

Ka dib 10-sano oo ay ku guuleysanayeen Leo Messi iyo Ronaldo Tababare Guardiola ayaa aamin in markaan ay tahay waqtigii uu De Bruyne ku guuleysan lahaa Abaal marinta Ballon d’Or. Isagoona arintaa ka hadlayay waxaa uu yiri”

 

“De Bruyne laacib da,yar oo mustaqbal leh waa uu ku guuleysan karaa Abaal marinta Ballon d’Or waa hadii uu kooxdiisa ka caawiyo iney ku guuleysato koobka Champions Leaque.

 

“Waa macquul in kooxdiisa City ay sanadkan ku guuleysato Champions Leaque taana isaga wey ka caawi neysaa ku guuleysiga xidiga ugu fiican aduunka.

 

“Xidig walba oo kooxdiisa iyo xulkiisa ka caawiyo ku guuleysiga koobab isna waa uu ku guuleysan karaa Abaal marinta Ballon d’Oro ayuu haladkisa kusoo koobay Guardiola.

W/D: (Maxamed Ahmed Lio)

4 comments

  1. Wow that was unusual. I just wrote an really long comment but after I clicked submit my
    comment didn’t appear. Grrrr… well I’m not writing
    all that over again. Anyhow, just wanted to say great blog!

  2. Aw, this was a really good post. Taking a few minutes and actual effort to generate a top notch article…
    but what can I say… I procrastinate a whole lot and don’t seem to get anything done.

  3. Hi! I know this is kind of off topic but I was wondering if you knew where I could find a captcha plugin for my comment form?
    I’m using the same blog platform as yours and I’m having problems finding one?
    Thanks a lot!

  4. Hi, Neat post. There is a problem with your site in web explorer, might test this?
    IE still is the market leader and a huge component of folks will miss your excellent writing due to this problem.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*