Home - Jubbaland - Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha “Kenya Kama yeeli doono in ay dhisato Dhulka Soomaaliya”.

Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha “Kenya Kama yeeli doono in ay dhisato Dhulka Soomaaliya”.

Xuseen Xaashi Xasan Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in Guddigooda ay kormeer ku tageen Xarumaha Maamul Goboleedyada si ay u guda galeen howlahooda shaqo.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayuu sheegay in ay ka aragti mideysan yihiin Xalinta Khilaafaadka, marinka ay u marayaaannna uu yahay Dastuurka Dalka.

Howlaha Guddigooda ay u xilsaaran yihiin waxa uu tilmaamay in ay soconayaan, ayna rajeynayaan in ay kasoo baxaan Kaalintooda iyagoona Kaashanaya Hay’adaha ay Shaqo Wadaagga Yihiin.

Waxa uu soo hadal qaaday Darbiga Kenya ee Baladxaawo waxa uuna sheegay in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Labada Gole Dowladda ay u gudbiyeen in aanan laga afka laga qabsan qorshaha kenya.

Ka guddi ahaan waxa uu tibaaxay in ay dhexda u xiranayaan sidii Kenya looga hor istaagi lahaa in aanan kusoo xad gudbin ama damcin Dhulka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ee Dowladda iyo kan Madaxa Banaan ayaa ku howlan sidii ay u sameyn lahaayeen Soohdin Wadaagga Maamul Goboleedyada iyo tan Soomaaliya ay la wadaagto Dalalka Dariska ah.