Home - Wararka Somalia - Guddoomiyaha Maxkamadda sare: “Isbeddelka ku yimid Siyaasadda waa in uu ku dhacaa Garsoorka”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare: “Isbeddelka ku yimid Siyaasadda waa in uu ku dhacaa Garsoorka”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleyman,ayaa sheegay in isbeddelka siyaasadeed ee biloowgii Sanadkan ka dhacay dalka si la mid ahna loogu baahan yahay in garsoorka uu isbeddel ku yimaado si wax looga qabto caddaaladda darrada ka jirta Garsoorka Dalka.

Ibraahim waxaa uu ka hadlayay Munaasibad tababar dhanka sharciga iyo Caddaaladda ah loogu furayay  350 Garsoore oo ay taabbo gelisay Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta Barnaamijyada UNDP oo kaashaneysa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM.

Ibraahim waxaa uu sheegay in tababarka garsoorayaasha uu billow u yahay isbeddel iyo dib u habeyn lagu sameynayo garsoorka Soomaaliya oo uu sheegay in hiigsigiisu yahay in uu la mid noqdo midka Caalamiga ah.

Waxaa kale oo uu halkaas ka sheegay in sidoo kale loo baahanyahay in dib u dhis lagu sameyo xarumaha Garsoorka dalka oo uu sheegay in ay ku bur bureen dagaalladii sokeeye ee ka socday dalka muddadii la soo dhaafay.

David Akopyan; oo ah Gaasime ku xigeenka UNDP Somaliya ayaa isna sheegay in Garsoorka uu muhiim u yahay dowlad wanaagga iyo ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah.

David Akopyan; ayaa intaas ku daray in Qaramada Midoobey ay dooneyso in ay aragto Soomaaliya oo siyaasaddeeda,Garsoorkeeda,amnigeeda,Shaqadeeda iyo dhaqaalaheedaba uu noqdo mid soo laabta oo ay Dowladda maamusho.

Ad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*