Home - Banaadir - Halista Korontada oo kor u kacday magaalada Muqdisho,Sawirro

Halista Korontada oo kor u kacday magaalada Muqdisho,Sawirro

Adeegga Korontada ama Leyrka ee magaalada Muqdisho oo ay hadda bixiyaan shirkado Koronto oo kala duwan ayaa xilliga roobka waxa uu sabab u noqdaa dhimasho, dhaawac Iyo burbur hantiyeed.
Degmada Yaaqshiit ee gobolka Banaadir waxa dhowaan ku dhintay 7; qof, 6, carruur ah iyo hooyadood kaddib markii xarig ama Fiilo Koronto oo gurigooda dulmareysay ay ku soo dhacday guriga Saqdhexe oo ay hurdaan.

Cali Cabdalle Faarax .

Aabaha dhalay carruurta Cali Cabdalle Faarax oo gubtay keligiina  ka haray reerkii oo dhan  ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in uu aad u liito Carruurtiisii iyo xaaskiisiina uu ku waayey, Waxa uu sheegay in aan gurigiisa Koronto ku jirin balse Fiilo dulmarta gurigiisa oo ay leedahay shirkadda BECO oo ku soo dul dhacday xilli habeen ah ay sababtay dhimashada dhammaan 5; carruur ah oo uu dhalay, hooyadood iyo gabar yar oo uu Abti u ahaa.
Isla Degmada Yaaqshiit Wiil yar ayaa Arabacadii u geeriyooday Koronto qabatay iyada oo dadkii la joogna ay la Badbaadin waayeen.

Degmada Shibbis; waxaa gubtay guri deegaan ah kaddib markii dab ka dhashay Korontada guriga, inkasta oo aan Qof ku dhiman haddana waxa baaba’ay dhammaan agabkii guriga yiil.
Degmada Kaxda nin sheyb ah oo ay qabatay Koronto u dhoweyd ayaa waxa soo gaaray dhaawac culus.

Waa maxay Sababtu
Badankood shirkadaha bixiya adeegga Korontadu malaha Qaybaha Macluumaadka la xiriira Bedqabka Iyo  nabadgelyada Korontada, sidaas awgeed waxa keli ah oo ay shirkaduhu fududeeyaan waa in Koronto la geeyo meesha looga baahdo.


Marka ay Shilalku Korontadu  dhacayaan waxa uu gurmadku gaaraa iyada oo dhibaatadu dhaaftay heer la xakameyn karo