Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Hazard oo diiday inuu heshiis cusub u saxiixo Chelsea.

Hazard oo diiday inuu heshiis cusub u saxiixo Chelsea.

W/D ( @AbdulahiHusein_ ) Xidiga werarka ugu  ciyaara kooxda Chesea iyo xulka Qaranka Biljimka ee Edin hazard ayaa ku gacan seeray inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxdiisa Chelsea.

Chelsea ayaa laga yaabaa inay bixiso qandaraas cusub oo u dhiganta 340,000 euros todobaadkii, oo ku dhow 18 milyan euro, laakiin ciyaaryahanka reer Belgium ayaan dooneynin inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxdiisa, Marka la eego in qandaraaskiisa haatan uu socdo ilaa Juunyo 2020, uusan dareensaneynin inuu jiro baahi loo qabo in uu garto ballanqaad cusub.

Tani waa sida laga soo xigtay The Times, oo talaadadii la soo dhaafay ku warantay dalabka Chelsea ee ku aadan.

Sida xidiga Thibaut Courtois, Hazard ayaa sii wadi doona inuu qalinka ku duugo haatan, isagoo sugaya inuu arko haddii  dalab uu ka yimaado Real Madrid oo ah koox uu muddo dheer ku riyaaqay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*