Home - Wararka Somalia - Hogaamiyihii Al-qaacida ee Gobolka Abyan oo la dilay.

Hogaamiyihii Al-qaacida ee Gobolka Abyan oo la dilay.

Isku dhac u dhaxeeyey Ciidamada Yemen oo garab ka helaya Ciidamada Sacuudiga iyo Maleeshiiyaad taabacsan Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa ka dhacay Soohdinta ay wadaagaan Sacuudiga iyo Yemen gaar ahaan Meel udhaw Dhanka Yemen.

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in isku dhacdayaan ay ka dhaceen goobo kala duwan sida Buuraleyda Caliib, Casiid iyo Buqca waxayna dhacdaan Gobolka Sacdah ee Wadanka Yemen.

Waxaa xigay isku dhac kale oo dhex maray Dad careysan iyo Ciidamada Xuduuda ee Sacuudiga, lama soo sheegin Khasaare ka dhashay isku dhacaasi.

Saraakiil katirsan Ciidamada Sacuudiga ee ku sugan Soohdinta Sacuudiga iyo Yemen ayaa sheegay in isku dayada Maleeshiyaadka Xutiyiinta ay ku kordhiyeen Xaafadda Xarad ee Gobolka Xajjah oo dhaca dhinaca Waqooyi Galbeed Yemen.

Dhanka kale Waxaa la sheegayaa in weeraro ka dhacay Gobolka Abyan ee dhaca Koofur Yemen Hoggaamiyaha Al-Qaacida ee Gobolka Abyan Maxamed Al-Awsaji oo ku geeriyooday Weerar lagu qaaday Gurigiisa oo uu ku sugnaa.

Wali War kama soo bixin Al-Qaacida oo ay kaga hadlayaan dilka hogaamiyahaan, sidoo kale ma jirto Cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Maxamed Al-Awsaji oo ahaa Hoggaamihihii Al-Qaacida ee Gobolka Abyan.

158 comments

  1. It as hard to come by educated people about this subject, however, you sound like you know what you are talking about! Thanks

  2. I cannot thank you enough for the blog article. Much obliged.

  3. pretty valuable stuff, overall I consider this is really worth a bookmark, thanks

  4. Pretty! This was an extremely wonderful post. Many thanks for supplying this information.

  5. speed of which you are able to get your loan katy perry tickets the simplest way you are going

  6. Some really select articles on this site, saved to fav.

  7. you have brought up a very great details , regards for the post.

  8. Fantastic blog article.Thanks Again. Fantastic.