Home - Wararka Somalia - Hoggaamiyihii Mucaaridka Jabuuti oo ku geeriyooday France

Hoggaamiyihii Mucaaridka Jabuuti oo ku geeriyooday France

Axmed Yuusuf Xaamud,hoggaamiyihii Isbahaysiga Mucaaridka Jabuuti ayaa ku geeriyooday dalka France kaddib markii maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay dalkaasi.

Axmed ayaa Bishii August ee la soo dhaafay la geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Quimper ee Galbeedka Faransiiska halkaas oo uu ku jiray Isbitaal wax looga qabanayay xaaladdiisa Caafimaad hayeeshee uu ku dhintay maalintii Axadda ahayd.

Maki Huubed oo ka mid aj wakiillada Isbahaysiga USN ee mucaaridka Jabuuti ayaa sheegay in Axmed Yuusuf oo ku geeriyooday da’da 79aad.

Waxaa uu sheegay in lagu aasay shalay oo Talaado ahayd Qubuuraha Muslimiinta Magaalada Quimper ee Dalka France halkaas oo ay aaskiisa uga qeyb galeen xubno ka mid ah Isbahaysiga Mucaaridka ah ee dalka Jabuuyi.

Axmed waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Isbaheysi ka kooban 7 Xisbi oo la bahay USN,kuwaas oo la aas aasay Bishii January 2013kii,waxaana uu tan iyo xilligaas ahaa hoggaamiyaha Isbaheysiga Mucaaridka ah ee Dalka Jabuuti.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*