Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - HORDHAC: Bayer Munich vs Real Madrid+ Safafka Macquulka ah.

HORDHAC: Bayer Munich vs Real Madrid+ Safafka Macquulka ah.

Kulanka Champions League ee caawa waxaa uu u dhaxeeyaa kooxaha Bayern Munich oo lagu ciyaarayo gurigeeda iyo Real Madrid oo marti ah,waxaana uu yahay kulan si gaar ah isha loogu wada hayo.

Labadan Kooxood 24jeer oo hore ayey isku arkeen Champions League,waxaana ay kala qaateen natiijooyin kala duwan,inkasta oo kulamadii ugu dambeeyay ay Real ahayd midda guulaha ugu badan qaadatay.

Haddaba kulankan maxaa laga ogyahay?.

Zinedine Zidane, dhinaciisa ma jiraan wax dhaawac ah oo heysta ka hor kulanka Bayern,waxaa soo kabanaya Daafaca lagu magacaabo Nacho oo jilibka uga dhaawacmay kulankii Las Palmas.

Jupp Heynckes,ayaa dhinaciisa sheegay in aanay wax culeys ah heysan hayeeshee waxaa uu si gaar ah uga hadlay Ronaldo oo uu sheegay in qatarta ugu weyn ee ay wajahayaan uu yahay.

Shantii kulan ee ugu dambeysay Real Madrid ayaa garaacday Bayern,waa labada kooxood ee isugu aragga badan tartanka, 24jeer ayeyna kulmeen.

Kulanka caawa ayaa ah midka 25aad, 24kii kulan ee ugu horreysay ma jiro kulan bar barro ku dhamaaday mid kastana waxa aay badisay 11 kulan.

Safafka:

Real Madrid: Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric, Isco; Ronaldo, Benzema.

Bayern Munich: Ulreich; Kimmich, Boateng, Hummels, Bernat; Martinez, Tolisso, James; Robben, Lewandowski, Muller.