Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Hordhac Kullanka: “Chelsea vs Burnley,+Shaxda Macquulka ah”

Hordhac Kullanka: “Chelsea vs Burnley,+Shaxda Macquulka ah”

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa maanta kullankeeda ugu horeeyo ee difaacashada Horiyaalka Premier League ka bilaabi doonta garoonkeeda Stafrod Bridge, ciyaar ay marti qaadi doonto kooxda Burnley.

Maamulaha Blues Antonio Conte ayaa doonaya in kooxdiisu ay shaqo adag qabto si ay koobkan u sii difaacdaan  Macalinka ree Talyaani ayaa xusay in uu bilaabanayo xili ciyaareedkii waayihiisa tababaranimo ugu adkaa kadib markii uu xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kubbada cagta England uu Blues ka soo caawiyay koobka Premier Leaque isla markaana uu soo gaarsiiyay finalka FA Cup balse markaas Chelsea ayaa ka maqnayd Champions leaque oo ay hadda dib ugu soo laabtay.

Chelsea ayaa xili ciyaareedka cusub ku bilaabanaysa kulan ay Stamford Bridge ku soo dhawaynayso Burnley oo ay xili ciyaareedkii hore 3-0 ku garaacday kulankii isla garoonka Chelsea ka dhacay, wuxuna Conte kooxdiisa ka doonayaa in qaab ciyaareed fiican ay xili ciyaareedka cusub ku bilawdaan si aanu culays badani markiiba u saarmin.

 XAQIIQOYINKA LABADA KOOX EE KA HOR KULLANKA:

Chelsea waxaa kulankan ganaax kaga maqan Victor Moses kaas oo kaarka cas loo taagay finalkii FA Cupka ee dhamaadkii xili ciyaareedkii hore waxaana boosiisa buuxin doona César Azpilicueta halka difaaca dhexe uu ku soo bilaaban doono saxiixa cusub ee Antonio Rudiger oo kulankiisii ugu horeeyay ee Premier Leaque ka soo muuqan doona kooxdiisa cusub ee Blues.

Sidoo kale Alvaro Morata ayaa si buuxda u bilaaban doona waayihiisa cusub ee kubbada cagta England iyo Chelsea isaga oo badal toos ah u noqon doona Diego Costa, Laakiin waxaa Chelsea kulankan dhaawacyo kaga maqnaan doona Eden Hazard, Pedro Rodriguez iyo saxiixa cusub ee Bakayoko halka Costa uu yahay xidig aan laga doonayn Stamford Bridge isla markaana uu muddo laba bilood ah fasax ugu joogo Brazil.

Dhinaca kooxda martida ah ee Burnley waxaa dhaawac kaga maqan Marney laakiin waxay tabi doonaan maqnaanshaha difaacoodii dhexe ee Michael Keane kaas oo lacag qaali ah ugu biiray Everton sidoo klae Jon Walters ayay shaqo adagi u taal si uu u buuxiyo booska uu ka baxay Andre Gray.

 XOGTA KULANKA:

Tartanka: Premier Leaque

Kulanka; Chlesea Vs Burnley

Garoonka: Stamford Bridge

Waqtiga: 5:00 Galabnimo Ee Saacada Bariga Afrika

Garsooraha:  Craig Pawson

Shaxa Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

 

Antonio Conte ayaana is badel wayn ku sameyn doonin shaxdii uu sanadkii hore inta badan ku ciyaarayay, wallow uu ku qasbanyahay in uu xal u helo boosaska xiddigaha kooxdisa ka maqan.

 

W/Q Abdullahi Hussein

7 comments

  1. Can I simply say what a reduction to find someone who really knows what theyre speaking about on the internet. You definitely know the right way to carry a difficulty to gentle and make it important. More people must learn this and understand this side of the story. I cant consider youre no more standard since you definitely have the gift.

  2. I really like what you guys are now up to. This kind of great work and visibility! Carry on the excellent effort friends, I’ve incorporated you on our mobogenie market site.

  3. Thanks a ton for writing this info, I bookmarked this website. I’m also interested in info regarding books on attracting women, are you aware where I might find one thing such as that? I’ll return very soon!

  4. Fantastic post however I was wanting to know if you could write a litte more on this topic? I’d be very thankful if you could elaborate a little bit more. Appreciate it!

  5. Right now it looks like BlogEngine is the preferred blogging platform available right now. (from what I’ve read) Is that what you’re using on your blog?

  6. Hey, you’re certainly correct. I frequently go through your site content attentively. I am furthermore focused on mobile number tracker with current location, you might talk about this sometimes. Bye bye!

  7. Hello, Neat post. There is a problem along with your web site in internet explorer, might check this… IE still is the market leader and a good section of folks will pass over your great writing because of this problem.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*