Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - HORDHAC: Marseille Vs Atletico Madrid iyo xaqiiqooyinka kulankan.

HORDHAC: Marseille Vs Atletico Madrid iyo xaqiiqooyinka kulankan.

Garoonka Kooxda Lyon ee Groupama Stadium ayaa marti galin doona Finlka Europe League xilli ciyaareedka 2017/2018 kaas oo dhex mari doona kooxda reer France ee Marseille iyo kooxda reer Spain ee Atletico Madrid.

Kulankan ayaa si weyn isha loogu hayaa iyada oo laga daawan doono adduunka oo dhan maadama ay labada kooxoodba kulanka u soo galid oonaan sidii ay ugu gulaysan lahaayeen tartanka.

 Atletico Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyada oo kabaha la soo dul martay kooxda Arsenal kulankii semi-finalka tartanka Europe League.

Dhanka kale kooxda Marseille ayaa soo dhaaftay kooxda mucjisada tartanka ahayd ee Salzburg kuwaas oo ay uga badiyeen si dirqi ah kuna yimaadeen Finalka.

Kulanka: Marseille Vs Atletico Madrid

Tartanka: Europe League Final

 Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Groupama Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Labada kooxood ayaa geesaha isla galay kulan ahaa wareega Group-yada tartanka champions League 10 sano ka hor.

Atletico Madrid ayaa gacan saraysay wakhtigaas iyada oo 4 dhibcood ka heshay labadii kulan ee tartanka iyada oo kulan badisay mid kale bar-baro gashay.

Kooxda Atletico Madrid ayaa wakhtigaas Group-ka kaga soo baxday kaalinta 2-aad halka Marseille ku dhamaysatay kaalinta 3-aad.

Kulankii hore ee ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Atletico ee Vicente Calderon ayay Roji Blancos ku badisay 2/1.

Kulankan ayaa noqon doona midkii 3-aad ee Abid ay kooxaha Atletico Madrid iyo Marseille isaga hor yimaadaan kulan taariikhdooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*