Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - HORDHAC:”Liverpool vs Sevilla+Safka Labada Koox”

HORDHAC:”Liverpool vs Sevilla+Safka Labada Koox”

Waa kulan  ka tirsan  GROUP E

Wuxu u dhaxeyaa Liverpool v Sevilla

Waxaa lagu ciyaaridoona Garoonka: Anfield

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Waxaa dhex dhaxaadin doona Garsoore: Danny Makkelie oo u dhashay  (Netherlands)

Naadiga  Liverpool ayaa markii labaad ka soo muuqaneysa wareega group-yada Champions League sideed xilli ciyaareed gudaheed, waxaana ay caawa kulankooda soo laabashada ay ka hortagayaan kooxda reer Spain ee Sevilla kuwaasoo ay taariikh kala dhaxeyso.

Liverpool  ayaa dooneysa inay ka aargudato Sevilla ka dib markii ay guuldarro 3-1 ay ka soo gaartay finalkii Europa League ee sannadkii hore ee 2016. Waxaana ay Liverpool ay niyada ku dhisaneysaa inay badiyeen lixdii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada Yurub ee ay ku ciyaareen Anfield iyo xaqiiqda ah in Sevilla aysan waligeed badinin iyadoo marti u ah koox Ingariis ah.

Liverpool ayaana sidoo kale rajeyneysa inay ka soo kabsato guuldaradii 5-0 ee ka soo gaartay Sabtidii kooxda Manchester City kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Waxaa labadaan kooxood Gr0up E kula wehliya oo iyagana caawa ciyaaraya Spartak Moscow oo u safreysa kooxda Maribor.

WAX YAABAHA KA CUSUB?

Philippe Coutinho waa taam wuuna caafimaad qabaa sida uu sheegay tababare Klopp laakiin waa uu diiday inuu xaqiijiyo haddii uu caawa ciyaari doono kulankiisii ugu horeysay ee ee xilli ciyaareedka.

Coutinho oo isku dayay inuu si qasab ah ugu wareego Barcelona bishii hore ayaa dhaawac dhabarka ah ku seegay shantii kulan ee ugu horeysay kooxda.

 

Inkastoo uu labo kulan u dheelay xulka Brazil, kubad sameeyahaan ayaa ka maqnaa kulankii Sabtida ay guuldarada 5-0 ka soo gaartay Manchester City.

Goolhaye Loris Karius ayaa ku soo bilaaban doona goolka kulanka caawa. Goolhayaha Jarmalka ayaa markii labaad xilli ciyaareedkaan bedeli doona Simon Mignolet, isagoo ku soo bilowday kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Arsenal horyaalka Premier League bishii hore.

Mohamed Salah ayaa dhuun xanuun uga fariistay tababarkii shalayto, laakiin waxaa la filayaa inuu qeyb ka ciyaaro kulanka caawa ee Anfield.

Dhanka kooxda Sevilla waxaa dhaawacyo kaga maqan Nolito oo dhaawac bowdada ah qaba iyo Geis oo aan laheyn taam ahaansho buuxda ka dib markii uu dhaawac ka soo laabtay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool: Karius; Gomez, Lovren, Matip, Robertson; Can, Henderson, Wijnaldum; Coutinho, Firmino, Mané.

 

Sevilla: Rico; Mercado, Kjær, Pareja, Escudero; N’Zonzi; Jesús Navas, Ganso, Pizarro, Correa; Ben Yedder.

W\Q: Maxamed Ahmed (Liyo)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*