Home - Wararka Somalia - Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo ka socda Garoowe

Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo ka socda Garoowe

Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland waxaa ka soconaya howlgal lagu xaqiijinayo amniga Magaalada,waxaana fulinaya Ciidamada amaanka maamulka Puntland.

Saraakiisha AMniga Puntland ayaa sheegaya in Ciidamadan ay xaqiijinayaan Amniga guud ee caasimadda Puntland oo u diyaar garoobeysa xuska aas aaska Puntland oo ku beegan 1da Bisha soo socota.

Sidoo kale Magaalada waxaa ku wajahan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Wafddi uu hoggaaminayo.

Ciidamada ayaa baaritaanno ka sameynaya bartamaha iyo daafaha Magaalada sidoo kale waxaa ay baarayaan guryaha waxaana ay sugayaan amniga.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan amniga Magaalada Garowe ku wareejiyay Ciidamo gaar ah kaddib markii ciidankii hore lagu eedeeyay in ay wax ka qaban waayeen.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab,ayaa sheegay in Ciidamada la beddelay ay sabab u tahay howshooda oo ay gudan waayeen,ciddii howsheeda gudan weysana laga qaadayo.

Ad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*