Home - Wararka Somalia - IGAD oo lacag ugu deeqday abaaraha Somaliland

IGAD oo lacag ugu deeqday abaaraha Somaliland

Jabuuti: Urur Goboleedka IGAD,ayaa waxaa ay deeq lacageed ku wareejiyeen urur Goboleedka Maamulka Somaliland,taas oo ay ugu tala galeen ka hortagga abaaraha ku dhuftay Somaliland.

Guddiga Abaaraha Somaliland oo maalmhan ku sugnaa Dalka Jabuuti,ayaa waxaa ay la kulmeen Xog-haya Urur Goboleedka IGAD,Maxbuub Macallin.

Maxbuub,ayaa waxaa uu $50,000 oo Doollar ku wareejiyay Guddiga abaaraha ee Somaliland,taas oo uu sheegay in ay IGAD ugu talagashay in Somaliland u akaashato abaaraha ku dhuftay maamulkaas.

Guddiga abaaraha Somaliland ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo ku qaabilay qarsiga Caasimadda Jabuuti.

Guddigu waxaa ay uga mahad celiyeen Urur Goboleedka IGAD,kaalmada aysan fileynee ay kula kulmeen dalka Jabuuti,taas oo ka soo gaartay IGAD.