Home - Banaadir - Imaaraatka Carabta oo Joojiyay Tababarkii uu siinay Ciidamada Soomaalida.

Imaaraatka Carabta oo Joojiyay Tababarkii uu siinay Ciidamada Soomaalida.

War kasoo baxay Dowladda Isu tagga Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay in ay joojiyeen Kaalmadii iyo Tababarkii Ciidan ay siinayeen Soomaaliya tan iyo 2014-kii.

Imaaraatka ayaa sheegay in Xiriirka kala dhaxeeyo Soomaaliya uu sii xumaanayay Mudooyinkaan, iyagoona ugu dambeyn go’aankaan Qaatay.

Intii Howshaan ay wadeen waxa ay sheegeen in ay Koofurta Soomaaliya ku tababareen 2407 Askari, sidoo kalana ay dhiseen 3 Isbitaal oo ay ka howlgalayeen Dhaqaatiir u dhalatay Imaaraatka.

Dhanka Puntland waxa ay tilmaameen in ay u tababareen Ciidamada Badda si ay ula dagaalamaan waxa ay ugu yeereen Argagixisada iyo Kooxaha Burcad Badeedda.

Imaaraatka ayaa sheegay in xiriir wanaagsan oo Taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, ujeedkooduna ahaa ka qeyb galka dhismaha Ciidamada Soomaalida si ay AMISOM Dalka kala wareegaan maamulkiisa.

Waxa ay go’aankaan ku sheegeen in uu ka dhashay xiriir xumo diblumaasiyaadeed oo soo kala dhex galay Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka.

Si gaar ah waxa ay usoo qaateen dhacdadii 8-dii bishaan ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee lagu baaray Boorsooyin lacago ugu jiray, taasina ay ka xumaadeen sida loola dhaqmay.

Lacagta lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ayaa gaareysay 9.6 Milyan oo Doolar, waxayna Imaaraatka Sheegeen in ay ugu talagaleen Ciidamada ay tababaraan ee Soomaaliya, waloow Dowladda ay dhankeeda sheegtay in ay Baaritaano ku heyso lacagta intaa la eg oo ay tilmaamtay in ay ka badan tahay Mushaarka Ciidamada ay tabababaan.

Isha Warkaan Wakaaladda Wararka Imaaraatka ee WAM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*