Home - Wararka Somalia - India oo Xukun ku riday 26-Maxaabiis Soomaali ah Loona heysto Burcad Badeednimo.

India oo Xukun ku riday 26-Maxaabiis Soomaali ah Loona heysto Burcad Badeednimo.

Maxkamadda Qaadeysa Kiiska Maxaabiista Soomaalida ee Mombai Ku xiran oo gaaraya 26-Maxbuus ayaa Maanta Xukun ku Riday Dhalinyaradaasi, Maxkamadda ayaa ee 26-ka Qof ee Maxaabiista ah Ku xukuntay min 7 sano oo xarig ah iyo ganaax Lacageed.

Wasiirka Arrrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in xukunka dhalinyaradaan uu goordhaw Dhacay, waxa uuna sheegay in 19-ka Bishaan iyane Maxkamadda Mombai la Hor geynayo 61-ka Maxbuus ee harsan, Waxayna Kamid ahaayeen Maxaabiis gaareysa 118-Qof oo Loo heysto Burcad Badeednimo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka hadlay Xukunkaan ayaa yiri: “Halkaas waxaa ku soo geba-geboobaya xukunka Maxaabbiista Soomaaliya eek u xiran Mumbai”

Waa uu Sii Hadlay waxa uuna yiri: “Heshiis ay Soomaaliya la saxiixatay India oo maxaabbiistaas lagu soo celinayo dalkooda ka dib marka uu xukunku ku dhaco ayaa wuxuu qorayaa in marka hore heshiiska ay ansixiyaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo India”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa dhawaan India tagay, waxayna kala Saxiixdeen Heshiis ogolaanayo in Dowladda India ay Maxkamadeyso 118-Maxaabiis Soomaali ah, Xukunkane ay ku qaataan Soomaaliya, kolka la doonayo in la cafiyane ay go’aanka ugu weyn ay lahaato Xukuumadda New Delhi sida Heshiishku uu ahaa.

India ayaa Dhalinyaradaan Sheegtay in ay kamid ahaayeen Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida, laguna Soo Qabtay Howlgal ay ka sameeyeen Biyaha Caalamiga ee ka Baxsan Xeebaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*