Home - Wararka Somalia - Internetkii Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo dib u soo laabtay

Internetkii Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo dib u soo laabtay

Internetka oo muddo 23 maalmood ah ka maqnaa bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya ayaa maanta dib u soo laabtay,waxaana uu hadda yahay mid si rasmi ah u shaqeynaya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalka ugu badan ku bixisay dib u soo celinta Internetka iyada oo uu Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ballan qaaday in maanta la soo deynayo.

Wasiirku waxaa uu horay u sheegay in maalinkiiba ay Soomaaliya khasaarto lacag dhan $10 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa isna sheegay in khasaaraha ka dhashay lagula xisaabtamayo Sharikadda iska leh Markabka jaray Internetkii bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

24kii June ayuu go’ay Internetka waxaana uu maqnaa ilaa maanta oo uu hadda yimid,waxaana baraha bulshada lagu arkayaa dhaq dhaqaaqa dadka oo aad isugu hambalyeynaya.

Wasiirka Boostada ayaa goordhow shir ja’aarid ku qabanaya Muqdisho waxaana uu uga hadli doonaa, sida ay ku suuragashay in Internetka dib loo soo celiyo.