Home - Wararka Somalia - Iraan oo sheegtay in waxyaabaha ay u dhoofiso Somaliya sare u kaceen 38% 2016

Iraan oo sheegtay in waxyaabaha ay u dhoofiso Somaliya sare u kaceen 38% 2016

Dowladda Iraan ayaa sheegtay in Dakhliga ka soo gala waxyaabaha ay u soo dhoofiso Soomaaliya uu sare u kacay 38% Sanadkii 2016kii.

Laanta Dhiirragelinta maalgashiga dibadda ee Carabta iyo Afrika ayaa ku dhawaaqday kororka dhoofka agabyada Iiraan ee Soomaaliya.

Farzad Piltan,oo ah Agaasimaha laanta dhiirragelinta maalgashiga dibadda Iraan,ayaa sheegay in waxyaabaha ay Iiraan u dhoofiso Soomaaliya ay sare u kaceen sanadkii la soo dhaafay gaar ahaan Sanadka Iiraan ee ku ekaa 20kii March 2017ka.

Farzad Piltan,waxaa uu sheegay in dhanka kale aysan jirin hal sheey oo Iiraan ay ka qaadato Soomaaliya kaliyana ay Iiraan u dhoofiso Agabyada ay ka midka yihiin;Qalabka Farsamada,Dharka,Shamiitada cad,Haamaha Gaaska Cuntada lagu karsado,Buskutka,Biraha lagu Dubo,Canjeerada,Qaaddooyinka,Macalgada,Mutuleelka dhismaha Guryaha,Laamiga,Biyaha Macdanta ah,Shukulaatada, iyo Daawada ay soo saarto Iiraan.

Ganacsiga Iiraan ee Soomaaliya ayaa Sanadkii 2015kii ahaa $22 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana ku korodhay $8 Milyan taas oo ka dhigeysa Ganacsiga Dakhliga Iraan ka gala Soomaaliya in uu hadda marayo $30 Milyan oo doollar.

 

Ad

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*