Home - Wararka Somalia - Itoobiya oo 23  u xukuntay xiriir ay la lahaayeen Al-shabaab

Itoobiya oo 23  u xukuntay xiriir ay la lahaayeen Al-shabaab

Adis ababa: Maxkamadda sare ee Federaalka Itoobiya ayaa xabsi dheer ku xukuntay 23 Qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab.

3 ka mid ah Raggan ayaa la sheegay in ay Itoobiya ka sameynayeen Garabka Al-shabaab ee Dalka Itoobiya,waxaana la qabtay 2010kii ilaa 2014kii.

Sidoo kale 20 ka Qof ee kale ayaa lagu eedeeyay In ay Soomaaliya u tageen in ay ku soo tababartaan kaddibna diib ugu laabteen dalka Itoobiya si ay u fuliyaan weerarro qorsheysan oo ka dhan ah Dolwadda Itoobiya.

Maxkamadda ayaa 23ka Qof ku ridday min 15 Sano oo Xabsi ah,waxaa eedahooda ku jiray in ay qorsheynayeen in ay weerarro mataane ah ka fuliyaan lix Magaalo oo ay ka mid tahay Adis ababa.

Itoobiya waxaa ay ka mid tahay Waddamada aadka ula dagaallama Al-shabaab,waxaana ay kula dagaallantaa gudaha Soomaaliya si aysan gudaheeda u weerarin.

Al-shabaab wali weerar rasmi ah kama aysan fulin gudaha Itoobiya waxaana ay dowladda Itoobiya dagaalka Al-shabaab taageero uga heli jirtay Dowladda Mareykanka oo hadda joojisay lacagihii Itoobiya  lagu siin jiray ladagaallanka Al-shabaab.